​MUQDISHU: Madaxweynaha oo ka hadlay waddooyinka xiran [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud oo goordhaweyd warbaahinta shir jaraa'id ugu qabtay magaalada Muqdishu, ayaa faah faahin ka bixiyay waddooyinka xiran iyo asbaabaha ka dambeeyay.

Xasan Sheekh, ayaa sheegay in waddooyinkan u xiranyihiin wufuudda ka qayb galaysa shir madaxeedka IGAD ee todobaadkan furmaya, isagoo intaasi ku daray in amni ahaan tallaabadaasi loo sameeyay.

Wuxuu xusay inay caqab ku tahay shacabka Somaliyeed oo xilligan u diyaar garoobaya Ciidda Carafo, balse ay jirto duruufo saamixi wayay in dadka loo fasaxo jidadka, isagoo intaasi ku daray inay u dulqaataan maadama shirkaasi muhiim u yahay sumcadda iyo hormarka dalka, islamarkaana jiraan dad carqaladayn kara.

Madaxweynaha ayaa bulshada ka codsaday inay la fahmaan culayska haysta isagoo ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka sugaya kuwaasoo sheegay inay isugu jiraan Somalia iyo AMISOM.

Wuxuu hormar ku tilmaamay shirkan iyo kuwo kale oo dalka ka dhici doona, isagoo ku sifeeyay mid beesha caalamku isha ku hayn doonto, wuxuuna mudada uu socdo tilmaamay inuu dhaq-dhaqaaqu yaraan doono.

Xasan Sheekh oo maanta xilku ugu egyahay ayaa sidoo kale xusay in waddanka xaaladiisu caadi tahay islamarkaana socdo shirkii madasha, wuxuuna tilmaamay in dhawaan warmurtiyeed lagasoo saari doono.

Hadalka Madaxweynaha Somalia, ayaa kusoo aadaya xilli maalintii labaad xiranyihiin waddooyinka caasumadda Somalia, taaso culays ku keentay isu socodka dadka iyo gaadiidka kuwaasoo badi aan ushaqo tagin xafiisyadoodii duruufaha haysta awgood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM