​Muqdishu: Qaraxyo lagu weeraray Hotel Naaso-hablood

Image

MUQDISHU, Somalia- Labo qarax oo aad u xooggan ayaa goordhaweyd lagu weeraray Hotel Naaso-hablood ee magaalada Muqdishu, waxaana hadda socota rasaas xooggan oo ay isweydaarsanayaan mallayshiyaad hubaysan iyo ilaalada hotelka.

Weerarka ayaa ku bilowday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo lagu garaacay afaafka hore ee Hotelka oo ku yaalla Isgoyska KM4, dabadeed waxaa xigay qarax kale iyadoo ay weheliyeen mallayshiyaad hubaysan kuwaas oo rasaas ooda uga qaaday Hotelka inkastoo dhinacooda iskacaabin sameeyeen ilaalada.

Ciidamada Alpha ee sida gaarka u tababaran ayaa goobta soo gaaray, waxaana wararku sheegayaan in rasaastu ka dhacayso gudaha hotelka iyadoo la maqlayo qaraxyo loo malaynayo bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaasi, kadib qoraalo ay kusoo daabaceen barahooda taageera.

Majirto khasaaro rasmi ah oo weerarkaasi laga hayo, balse goob joogayaal ku sugan Muqdishu, ayaa ku waramayay inay maqleen Qaraxyo xoggan iyo rasaas xad dhaaf ah.

Waa markii labaad intii lagu jiray bisha Ramadaan oo weerar lagu qaado Hotellada Muqdishu, dhawaan ayay ahayd markii la weeraray hotel Ambasador, kaasi oo lagu dilay mas'uuliyiin iyo shacab badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM