​MUQDISHU: Shirka madasha oo maalintii 2aad galay

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maalintii Labaad magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kasocda shirka ugu dambeeyay madashax Somalia (NLF) oo looga hadlayo doorashooyinka waddanka ka dhacaya sannadkan dhammaadka ah.

Shirka ayaa intiisa badan diiradda lagu saarayaa arrimaha mugdigu ka jiro, gaar ahaan tabashada maamulka Puntland uu ka muujinayo Kuraasta Aqalka sare ee la siiyay gobollada Waqooyi iyo wakhtiga la qabanayo doorashada rasmiga ah ee madaxweynaha iyo guddoonka Barlamanka.

Wararka Warsidaha GO, ka helayo ilo wareedyo ka agdhow Villa Somali, ayaa sheegaya in lagu wado dhaarinta Xildhibaanada 15 bishan, halka doorashada Guddoonka la qaban doono 28, balse wali aan xal laga gaarin waqtiga ay qabsoomayso tan Madaxweynaha.

Tabashada maamulka Puntland, ayaa lagusoo waramayaa in muranka ugu badan ka taaganyahay, waxaana dhowr jeer shirku ku sigtay inuu bur-buro iyadoo xubnaha Puntland uga qayb galay shirkaas ku adkaysanayaa lahaanshaha kuraasta Aqalka Sare ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Kulanka maanta ayaa, waxaa joogay hogaamiyaasha Somalida oo qura halka maalintii shalay ay goob joog ahaayeen mas'uuliyiin kasocota beesha Caalamka.

Marka uu soo idlaado kulankan ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cadyihiin arrimaha mugdigu ka jiro.

Waqtiga la qaban lahaa doorashada Somalia, ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM