Muqdishu: Wasiirka Qorsheynta dowlada Federaalka Somaliya Aabihiis oo qarax ka badbaadey

Image

Muqdishu- Qaraxaan oo lagu xirey gaari uu lahaa Yusuf Cali Caynte Aabaha Wasiirka qorsheynta dowlada Federaalka Somalia ayaa ka dhacey agagaarka Hotel weheliye ee magaalada Muqdishu.

Yusuf Cali Caynte oo u horey ahaan jirey xildhibaan ka tirsan dowladii KMG aheyd ee Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa wararku sheegayaan inuusan wax ku noqon qaraxaan.

Xildhibaankaan hore ayaa madax u ah urur Islaami ah oo ka dhisan magaalada Muqdishu kaasoo siyaasadaha dowladaha ka dhisma Somaliya ku lug yeesha. 

Mas'uuliyada qaraxaan ayaa cIdana sheegan iyada oo wararku xusayaan in kooxaha al shabaab la tuhunsan yahay iney ka dambeeyaan isku-deygaan.

Ciidamada amaanka ayaa soo gaarey goobta kuwasoo baaritaano ku sameeyey xaafado ku dhow halka qaraxu ka dhacey.

Caynte ayaa ururka uu madaxda uu ka yahay iyo hay'ada Heritage waxaa ay tageero dhaqaale ka helaan wadanka Qatar.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM