​Muran ka taagan dhaqaalaha ku baxaya doorashada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa magaalada Muqdishu caasumadda Somalia ka socda kulamo looga hadlayo doorashada dhacaysa 2016 taasoo ilaa hadda war cad laga soo saari la'yahay dhaqaalaha ku baxaya iyo qaabka loo maamulayo.

Arrintan ayaa keentay in faro galin lagu sameeyo qorshayaashii lagu hishiiyay iyadoo wararku sheegayaan in la dhimayo tirada Ergooyinka soo xulaya Xildhibaanada, waloow ay jiraan qorshayaal kale oo lagu baabi'inayo inay wax soo xulaan 51-dii qof ee la isku afgartay, kuwaasoo shaqooyinkoodii dusha laga saaro 135-dii oday Dhaqameed.

Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa dhawaan kulamo la qaatay xubno katirsan Beesha Caalamka kuwaasoo dalbaday in la caddeeyo lacagta doorashada ku baxaysa iyo cidda maamuli doonta.

Majirto wax war cad ah oo la siiyay balse waxaa loo sheegay inay socdaan dadaallo uun.

Waxaa sidoo kale walwal laga muujinayaa inay qabsoonto doorashada dalka waqtiyadii loo asteeyay, iyadoo ilaa hadda aysan wax shaqo ah ka socon caasumadda Somalia iyo magaalooyinka maamul goboleedyada.

Dhinaca kale warar hoose oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxda dowladda dhexe ee Somalia u ololaynayso in waqti kordhin kale la sameeyo.

Beesha Caalamka ayaa laftigeedu ka walaacsan arrimaha doorashada ku saabsan.

07 September, 2016 ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdishu isugu tagaan madaxda maamul goboleedyada Somalia si ay uga arrinsadaan marxaladda kala guurka ah, waloow ay jiraan arrimo kale oo laga doodi doono kuwaasoo ay kamid tahay laalis lagu samaynayo Aqalka sare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM