Muran ka taagan guddoomiyaha guddi howleedka doorashada 2016

Image

17 October, 2015 (GO)- Waxaa muran ka taagan yahay guddoomiyaha guddiga dhismaha guddi howleedka madasha wadatashiga oo Ra'isal wasaaraha Somalia u magacaabey Cabdiqani Cabdi Jaamac oo ahaan jirey wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Jubaland.

Guddigaan oo diyaarin doona shirweynaha qaran ee looga arinsan doona qaabka ay u dhacayaan doorashooyinka 2016 ayaa ka koobnaan doona tiro ahaan; Afarta maamul ee ka jira Somalia waxaa ka imaanaya 4 wakiil (Puntland, Jubaland, Koonfur galbeed iyo Galmudug), 5 xubnood oo ka socda golaha wasiirada dowlada Federaalka kuwasoo lagu qaybiyey nidaamka 5 beelood, 3 xubnood oo ay soo magacabayaan Ra'isla wasaaraha Somalia, madaxweynaha dowlada Federaalka iyo guddoomiyaha Barlamanka iyo 5 wakiil oo ka socda bulshada rayidka ah kuwasoo lagu qaybiyey nidaamka beelaha shanta ah. 

Wararka ayaa sheegaya in Ra'isla wasaaraha oo guddigaan shaqo ahaan hoos imaanayo uu gudoomiyaha guddigaan u magacaabey Cabdiqani Jamac balse madaxweyne Xasan Shiikh codsadey in xubin kale lagu badalo madaama culeys kaga yimi beelo kale.

Go'aanka lagu badaley guddoomiyaha guddigaan ayaa waxaa diidey xubnihii guddiyada kale intooda badan tasoo dhalisay muran hakad galiya shaqada guddigaan.

Beesha caalamka ayaa ku dhexjirta xalinta khilaafka ka dhashey magacaabista gudoomiyaha guddigaan iyadoo la filayey in maalinta berri magaalada Muqdisho ka furmo kulan u dhexeeya dowlada Federaalka iyo maamulada Somalia.

Jubaland ayaa sidoo kale diidan iney ka soo qayb gasho kulankaan kadib markii waraaqaha casumaada loogu direy magaca ah ineysan weli ka bixin nidaamka KMG ah.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa la filayaa in maalinta berri ah u ambabaxo magaalada Muqdishu halkaas oo la filayo inuu ka furmo kulanka madasha wadatashiga higsiga 2016.

GAROWEONLINE kala soco wararka la xiriira kulankaan iyo qabsoomidiisa.

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM