Muran weli ka taagan halka lagu qabanayo shirka maamulka G. Dhexe

Image

March 26, 2015 (GO)- Muran ayaa weli ka taagan yahay halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe (Galguduud iyo koonfurta Mudug).

Maalintii saddexaad Dhuusomareeb waxaa ku sugan wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaaminayo, kuwaasoo ujeedada socdaalkoodu tahay sidii arintan xal looga gaari lahaa.

Odayaasha dhaqanka ee gobollada dhexe oo iyagu todobaadkan horraantiisii go'aan mideysan soo saarey ayaa qaba in shirku ka dhaco degmada Dhuusomareeb, balse Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mas'uuliyiinta maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa ku adkeysanaya in wejiga labaad ee shirku ka dhaco magaalada Cadaado.

Dhinacyada u ololeynaya in shirku Dhuusomareeb ka dhaco waxaa sidoo kale qayb ka ah hoggaanka ururka Ahlu Sunna oo dhowaan heshiis hordhac ah la galey Dowladda Federaalka balse weli tabasho qaba.

Dadka siyaasadda Soomaaliya ka faallooda ayaa walaac ka muujinaya mustaqbalka maamulka la qorsheynayo in loo dhiso gobollada dhexe. Maamulkan ayey dadka wax odorasaa sheegayaan in dhismihiisu ka adkaan doono islamarkaana qaadan doono waqti ka badan muddadii lagu soo dhisey maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM