Muran weli ka taagan halka lagu qabanayo shirka maamulka G. Dhexe

Image

March 26, 2015 (GO)- Muran ayaa weli ka taagan yahay halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe (Galguduud iyo koonfurta Mudug).

Maalintii saddexaad Dhuusomareeb waxaa ku sugan wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaaminayo, kuwaasoo ujeedada socdaalkoodu tahay sidii arintan xal looga gaari lahaa.

Odayaasha dhaqanka ee gobollada dhexe oo iyagu todobaadkan horraantiisii go'aan mideysan soo saarey ayaa qaba in shirku ka dhaco degmada Dhuusomareeb, balse Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mas'uuliyiinta maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa ku adkeysanaya in wejiga labaad ee shirku ka dhaco magaalada Cadaado.

Dhinacyada u ololeynaya in shirku Dhuusomareeb ka dhaco waxaa sidoo kale qayb ka ah hoggaanka ururka Ahlu Sunna oo dhowaan heshiis hordhac ah la galey Dowladda Federaalka balse weli tabasho qaba.

Dadka siyaasadda Soomaaliya ka faallooda ayaa walaac ka muujinaya mustaqbalka maamulka la qorsheynayo in loo dhiso gobollada dhexe. Maamulkan ayey dadka wax odorasaa sheegayaan in dhismihiisu ka adkaan doono islamarkaana qaadan doono waqti ka badan muddadii lagu soo dhisey maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM