Muxuu ku dhammaaday kulankii Gaas iyo guddigii ka yimid Qarxis?

Image

July 5, 2015 (GO)-  Madaxtooyada Puntland ee Garowe waxaa ku kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo guddi dhex-dhexaadin ah oo loo xil saaray xallinta xiisadda Qarxis.

Guddiga oo lix xubnood ka koobnaa waxay Madaxweynaha kala hadleen sidii xiisadda jirta wadahadal loogu soo afjari lahaa islamarkaana loo kala qaadi lahaa ciidamada isku hor fadhiya deegaanka Qarxis.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in kulankaasi natiijo la'aan kusoo idlaadeen, kadib markii Madaxweynaha iyo Guddiga Dhex-dhexaadintu qodobada qaar isku fahmi waayeen.

Wararka Garowe Online heleyso ayaa tibaaxaya in Cabdiweli Gaas ku adkeystey in haba yareetee uusan wax wada-xaajood ah la geli doonin saraakiisha gadoodsan, isagoo ku wargeliyey xubnaha guddiga in sida keliya ee xal lagu gaari karaa ay tahay in Gen. Muxiyadiin iyo Cabdi-yare dowladda isu soo dhiibaan soona wareejiyaan hubka iyo ciidamada ay wataan.

Xubnaha guddiga ayaa kadib markii ay la kulmeen Madaxweynaha waxay wada-tashi ugu noqdeen waxgaradka iyo Isimada ku sugan deegaanka Qarxis.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa isku raacay in howsha dhex-dhexaadinta si buuxda loogu wareejiyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo isagu markii hore dadaallada nabadeytna qayb ka ahaa balse aan xubin ka ahayn guddigii la kulmey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Deegaanka Qarxis waxaa labadii todobaad ee u dambeeyey isku hor fadhiyey ciidamo dowladda ka tirsan iyo ciidan kale oo gadoodsan uuna hoggaaminayo taliye ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse oo ay weheliyaan saraakiil uu kamid yahay taliyhiii hore ee ciidamada sirdoonka Puntland Cabdi-Yare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM