Muxuu yahay walwalka cusub ee soo foodsaarey Fahad Yaasiin Daahir?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Macluumaadyo dheeraad ah ayaa laga helay kulan saacadihii lasoo dhaafay dhexmaray Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, iyo wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in ujeedka kulanka uu ahaa in Fahad Yaasiin uu u caddeeyo diblumaasiga in uusan diidaneyn wadahadalo ay yeeshaan dowladda iyo maamulada.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in Fahad ay soo foodsaartay baqdin ah in lagu daro liis-madow [black lists], oo ah in uu kasoo horjeedo wada-xaajoodyo ay hogaamiyeyaasha siyaasada ka yeeshaan doorashadda.

Sikastaba, talaabadan ayaa u muuqaneysa in Fahad Yaasiin uu isaga fogeynayo cagajiidka ay hogaanka dowlada dhexe ka muujinayaan miiska wadahadalka oo ay la fariistaan madaxda dowlad goboleedyadda waddanka.

Fahad Yaasiin ayaa xiriir dhow la leh dowladaha Qadar iyo Turkiga oo saameyn ku leh go'aanada siyaasadeed ee madaxda haatan fadhisa Villa Soomaaliya oo wajahaya eedeyn ku aadan in ay rabaan muddo kororsi.

Beesha Caalamka oo xusul-duub ugu jirta in ay isku keento madaxda dowladda iyo maamuladda kuwaasoo aysan haatan ka dhaxeyn wax wadashaqeyn ah ayaa ku adkeysatay in ay waqtigooda ku dhacaan doorashooyinka.

Doorashooyinka 2020-21 oo qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod ayaa shaki la gelinayaa sabab la xiriirta in aan la hirgelin halbeegyadii lagu aadi lahaa sidda; amniga, shuruucda, dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxtooyadda Qaranka burbur ku yimid shir loogu gogol xaarayey wadahalada doorashooyinka oo ay garwadeen ka ahayd Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Shirkaas oo dhacay dhamaadkii May iyo horaantii bishaan June waxaa leysku maandhaafay waqtiga iyo madasha lagu kulmay; Marka laga reebo Koonfur Galbeed, maamuladda kale hal dhinac ayay isku raaceen.

Sikataba ha ahaatee, waxaa rajo wanaagsan laga qabaa in uu miradhali doono baaq dhowaan kasoo baxay Aqalka Sarre oo ah in ay madaxda kulmaan kahor 25-ka June "si loo helo hanaan doorasho oo la isla ogol-yahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM