Nabadoon caan ahaa oo xalay Baydhabo lagu diley

Image

March 31, 2015 (GO)- Nabadoon caan ahaa ayaa xalay lagu diley degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Nabadoonkaas oo lagu magacaabi jirey Cali Cabdi Xiidow waxaa xalay saqdii dhexe gurigiisa ugu dhacay dabadeedna toogtey saddex nin oo wejiga soo duubtey.

Weerarka waxaa sidoo kale ku geeriyootey xaaskii nabadoonka oo iyadana lagu magacaabi jirey Xabiibo Cusmaan Aadan.

Dilka nabadoonka weli cid looma soo qaban balse booliska ayaa maanta hawlgal baaritaan ah ka sameeyey qaybo kamid ah magaalada.

Ammaanka Baydhabo ayaa muddooyinkii u dambeeyey soo xumaanayey, waxaana laga soo bilaabo bishii hore ee February degmadaas lagu diley tobannaan qof oo u badnaa culimaa'uddiin iyo waxgarad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM