Nabadoon lagu gowracey duleedka Qoryooley

Image

March 15, 2015 (GO)- Nabadoon caan ahaa ayaa xalay lagu diley duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Nabadoonkan oo lagu magacaabi jirey Bashiir Xasan Cabdulle Xooshow waxaa isaga iyo wiil uu dhalay lagu dhex gowracey beertiisa oo ku taalla meel saddex kiilo mitir Qoryeel u jirta.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabdiqaadir Nuur Siidi  oo la hadlay VOA ayaa dilka nabadoonka ku eedeeyey Al-shabaab.

Cabdiqaadir Siidi oo la weydiiyey sababta dilkan keentay wuxuu sheegay inay u maleynayaan in arintani la xiriirto muran dhanka dhulka oo ka dhexeeyey Nabadoon Xooshow iyo sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Waa markii labaad muddo todobaad gudihiis ah ee dad lagu gowraco deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM