Nabadoon xalay lagu diley degmada Marka

Image

June 22, 2015 (GO)- Nabadoon Cali Xamza oo kamid ahaa nabadoonnada ugu caansan gobolka Shabeellada Hoose ayaa xalay degmada Marko lagu diley.

Nabadoonka waxaa la toogtey xilli uu salaadii Taraawiixda kasoo baxay islamarkaana marayey meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla bartamaha magaalada.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in dilka ay fuliyeen labo nin oo wejiga soo duubtey islamarkaana bistoolado ku hubeysnaa. Dableyda dilka fulisey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa daqiiqado kaddib goobta soo gaarey, waxayna sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey, balse ilaa iyo hadda falkaas cid looma soo qaban.

Nabadoon Cali Xamza ayaa noqonaya nabadoonkii saddexaad ee bishan Ramadaan gudaheeda la dilo, waxaana ka horreeyey labo nabadoon oo isla todobaadkan lagu diley magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM