Nabadoono lagu laayay gobolka Gal-gaduud

Image

11 November, 2015(GO)-Nabadoono waday dadaal nabadeed ayaa lagu laayay gobolka Gal-gaduud ee bartamaha Somalia, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan u dhaxeeya Balanballe iyo Guriceel ee gobolkaasi.

Saddex nabaddoon ayaa la dilay laba kalena waa lagu dhaawacay, kaddib markii odoyaashaasi deegaanka u tageen dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisad colaadeed oo u dhaxeysa laba beelood oo wada dega Balanballe.

Nabadoonada ayaa deegaankaasi ka soo noqday iyagoo sidoo kale wax kasoo dhisay maamul loo yagleelay Balanballe.

Xaaladda labada nabadoon ee dhaawaca ah ayaa la sheegayaa inay liidato ma jirto cid sheegatay weeraran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM