Nabadoono lagu laayay gobolka Gal-gaduud

Image

11 November, 2015(GO)-Nabadoono waday dadaal nabadeed ayaa lagu laayay gobolka Gal-gaduud ee bartamaha Somalia, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan u dhaxeeya Balanballe iyo Guriceel ee gobolkaasi.

Saddex nabaddoon ayaa la dilay laba kalena waa lagu dhaawacay, kaddib markii odoyaashaasi deegaanka u tageen dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisad colaadeed oo u dhaxeysa laba beelood oo wada dega Balanballe.

Nabadoonada ayaa deegaankaasi ka soo noqday iyagoo sidoo kale wax kasoo dhisay maamul loo yagleelay Balanballe.

Xaaladda labada nabadoon ee dhaawaca ah ayaa la sheegayaa inay liidato ma jirto cid sheegatay weeraran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM