Nicholas Kay iyo wafdi uu horkacayo oo Kismaayo gaarey

Image

October 9, 2014 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

Wafdiga oo markii ay garoonka diyaaradaha Kismaayo kasoo dageen wasiirro iyo mas'uuliyiin kale oo maamulka Jubbaland ka tirsani soo dhoweeyeen, waxaa loo gudbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo ay hadda kulan kula qaadanayaan Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, madaxweyne ku xigeenada Fartaag iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Xog dheeraad ah lagama hayo waxa uu salka ku hayo safarka ay Kismaayo ku yimaadeen wafdiga uu hoggaaminayo Nicholas Kay, waxayse u badan tahay in labada dhinac ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya iyo weliba sidii gargaar loo gaarsiin lahaa deegaanada Maamulka Jubba ee dhowaan laga xoreeyey Al-shabab.

Booqashada Nicholas Kay ee Kismaayo waxay kusoo aadaysaa xilli Jubbooyinka uu ka socdo hawlgal ballaaran oo ka dhan Al-Shabab kaasoo ay wadaan ciidamada Maamulka Jubaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Faahfaahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM