Nicholas Kay oo Soomaalida ugu hambalyeeyey bisha Ramadaan

Image

Muqdisho, 17 Juun 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta hambalyo u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed isagoo ugu hambalyeeyay bilasha bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Iyadoo ay dadka Soomaaliyeed iyo dadyowga Muslimka adduunku ay billaabayaan soonka bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaan jecelahay inaan salaan iyo bogaadin idin ka soo gudbiyo bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Ramadaan waa waqti ay qoysaska iyo bulshadu isla wadaagaan farxadda iyo raynraynta, ayna isugu yimaadaan afurka iyo dukashada salaadaha, kuna xusuustaan dadka danyarta ah ee aan haysan intaan annagu haysano.”
 
“Inta lagu jiro waqtigan gaarka ah, waxaa xusuusin mudan in nabadda iyo naxariistu ay na mideynayaan, ayna aad uga xoog badanyihiin wax kasta oo na kala qaybiya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Anigoo ku hadlaya magaca saaxiibadeyda igala shaqeeysa Qaramada Midoobay, waxaan u rajeynayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda bil Ramadaan oo barakeysan oo nabad ah. Ramadaan Kariim. Ramadaan wanaagsan.”

Dhamaad.

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM