Nicholas Kay oo Soomaalida ugu hambalyeeyey bisha Ramadaan

Image

Muqdisho, 17 Juun 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta hambalyo u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed isagoo ugu hambalyeeyay bilasha bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Iyadoo ay dadka Soomaaliyeed iyo dadyowga Muslimka adduunku ay billaabayaan soonka bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaan jecelahay inaan salaan iyo bogaadin idin ka soo gudbiyo bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Ramadaan waa waqti ay qoysaska iyo bulshadu isla wadaagaan farxadda iyo raynraynta, ayna isugu yimaadaan afurka iyo dukashada salaadaha, kuna xusuustaan dadka danyarta ah ee aan haysan intaan annagu haysano.”
 
“Inta lagu jiro waqtigan gaarka ah, waxaa xusuusin mudan in nabadda iyo naxariistu ay na mideynayaan, ayna aad uga xoog badanyihiin wax kasta oo na kala qaybiya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Anigoo ku hadlaya magaca saaxiibadeyda igala shaqeeysa Qaramada Midoobay, waxaan u rajeynayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda bil Ramadaan oo barakeysan oo nabad ah. Ramadaan Kariim. Ramadaan wanaagsan.”

Dhamaad.

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM