Nin ka tirsanaa Al-shabab oo Baydhabo lagu toogtey

Image

May 19, 2015 (GO)- Magaalada Baydhabo waxaa saaka lagu toogtey nin la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab islamarkaana qayb ka ahaa kooxdii soo weerartey madaxtooyada Baydhabo March 12, 2015.

Ninka xukunka qisaasta ah lagu fuliyey oo lagu magacaabi jirey Siraaji Cabdullaahi Cumar (Hanad) ayaa gacanta lagu dhigey isagoo wada gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la sheegay in kooxda weerarka soo qaaddey ay la socdeen.

Gaariga oo noociisu ahaa Toyota Noah ayaa markii dambe ku qarxay ciidamo boolis ahaa oo doonayey inay magaalada ka fogeeyaan, waxaana qaraxaas ku geeriyoodey saddex askari.

Goobta xukunka qisaastu ka dhacayey waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Liibaan Cali Yarow, Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, Taliyaha ciidanka gobolada Baay,Gedo iyo Bakool Ibraahim Yarow iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galeed ee dalka.

Dhanka kale, waxaa isla maanta la filayaa in maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya u fariisato dacwad ciqaabeed loo heysto eedeysanayaal kala duwan oo ku jira xabsiga magaalada Baydhabo.

Xukunkan ayaa ah kii ugu horreeyey noociisa ee maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Dowladda Federaalku ka fuliso magaalada Baydhabo.

GAROWE ONLINE
 

Related Articles

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM