Nin wariye ah iyo xaaskiisii oo xalay Baydhabo lagu diley

Image

April 30, 2015 (GO)- Wariye ka tirsanaa Radio Baydhabo ayaa xalay saqdii dhexe isaga iyo xaaskiisii waxaa ku diley isla magaalada Baydhabo.

Wariyahaas oo lagu magacaabi jirey  Daa’uud Cali Cumar, waxaa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Berdaale ugu soo dhacay, kaddibna toogasho ku diley dabely hubaysan.

Dableyda oo dilka kaddib goobta ka baxsatey ayaa sidoo kale markii ay sii cararayeen toogtey nin kale.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa soo gaarey goobta, waxayna boolisku sheegeen inay ku raad joogaan dhowr qof oo laga shekiyey.

Dilalka qorsheysan ayaa muddooyinkii u danbeeyey kusoo badanayey degmada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM