NUSOJ oo ugu baaqay AMISOM in la ixtiraamo wariyeyaasha

Image

May 11, 2015 (GO)- Ururka Suxufiyiinta (NUSOJ) ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM inay wax ka bedelaan qaab baariseedka ah isticmaalka eyda ee ka dhanka ah qalabka shaqo ee shaqaalaha warbaahinta marka ay u casuumaan inay tebiyaan wararkooda, isla markaana ka fekeraan qaab-baariseed ka duwan midka hadda la isticmaalo.

Suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho ayaa maalinimadii shalay ka soo kala dareeray xaflad ay Midowga Yurub ku sameysanayeen Xalane, kadib markii lagu amray inay qalabkooda hoos geeyaan eyda wax urisa, taasoo laga yaabo in eyga dhareerkiisa uu gaaro qalabka, arrintaasoo wariyeyaashu ka biyo diideen.

Eyda iyo dhareerkooda ayaa ah nijaas diin ahaan iyo dhaqan ahaan, horeyna kaamirooyin la hoos geeyay ayaa lagu arkay dhareerkaas, sidaas darteed, ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa ciidamada AMISOM inay xushmeeyaan dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana la yimaadaan hab/qalab baariseed casriya oo ay kaga kaaftoomi karaan isticmaalka eeyaha.

“Waan dareensanahay in eyda loo isticmaalayo arrimo amni, balse waxaa la heli karaa hab baariseed casri ah oo looga kaaftoomi karo isticmaalka eyda, iyadoo la xushmeynayo dhaqanka iyo diinta dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri, Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta NUSOJ.

“Cabashada weriyayaasha ee arrintan waa ay soo noqnoqotay, waxaana lama huraan ah in xal deg deg ah laga gaaro, waxaana diyaar u nahay in aan idinkala shaqeyno qaabkii xal looga gaari lahaa, maadaama arrintu saameyneyso dhaqanka iyo diinta dalka, loogana baahan yahay AMISOM inay xushmeeyaan” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibrahim isagoo intaas raaciyey “Waxa uuna uga mahadceliyey suxufiyiinta go’aanka midnimada ku jirto ee arrinkaa ka qaateen.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM