Odayaasha xulaya ergada shirka Cadaado oo kulan u furmayo

Image

CADAADO 22 April, 2015 (GO)- Magaalada Cadaado waxaa gaarey odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka ka qayb gelaya shirka maamul u sameynta gobollda dhexe.

Tirda odayaasha soo xulaya ergada ka qayb gali doonta shirweynaha Cadaado ayaa gaaraysa 40 xubnood.

Maxamad Xaashi Cabdi "Carabey" oo ah gudoomiye ku-xigeenka guddiga farsamada ee shirkaan ayaa idaacadda BBC-da u sheegey in odayaasha  laga soo xuley qabaa'illada daga gobolladaas.

Carabey ayaa sidoo kale xusey in shirku socon doono muddo labo bilood ah, ergooyinka ka qayb gelayana tiradoodu gaareyso 400 oo qof oo isugu jira madax dhaqameed, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo culimaa'uddiin.

Dhanka kale, gudoomiye ku-xigeenka guddiga farsamada ee shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ayaa sheegay in caqabad hortaagan kulankaan aysan hadda jirin, islamarkaana la diyaariyey guddigii xallinta khilaafaadka kaasoo ka kobnaan doona odayaasha dhaqanka, dowlada Federaalka iyo guddiga farsamada ee shirkaan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka  iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada dhexe ayaa u ololeynaya in maamulka gobollada dhexe loo sameynayaa  la koobnaado gobollada Mudug iyo Galguduud.

Gobolka Mudug degaannada ka tirsan ee hoos yimaada Puntland waxa kamid ah waqooyiga magaalada Galkacayo, degmada Galdagob iyo Jiriiban.

Dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia ayaa dhigaya in labo gobol iyo wixii ka badan markii ay isu tagaan dadka degenna ku heshiiyaan ay sameysan karaan maamul goboleed.

Madaxweynaha dowlada Somalia oo ku howlanaa asbuucyadii lasoo dhaafey qabsoomidda shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee Somalia ayaa hadalo uu ka jeediyey Dhuusa Mareeb iyo Cadaado aan marna ku xusin in woqooyiga gobolka Mudug ka tirsan yahay Puntland. Halkan ka dhageyso

GAROWEONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM