​Odoyaasha Hiiraan oo maamul gooni ah ku dhawaaqay

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Odoyaasha ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay inay samaysanayaan maamul gooni ah iyagoo gaashaanka ku dhuftay dadaallada ay waddaan urur goboleedka IGAD, waxayna ku xireen shuruud adag.

Afhayeenka Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec oo warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay inay is-fahmi waayeen wakiilka IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afey, isagoo intaasi raaciyay inay wadaan dadaallo ay ku samaysanayaa maamul u gooni ah.

Shafeec ayaa tilmaamay inaysan cidna wax ku darsan karin ilaa laga fuliyo shuruudda ay ku xireen IGAD oo ah in ugu yaraan gobolkooda loo qaybiyo Labo ama saddex hadii kale ay ka madax banaanaan doonaan qorshaha Shabeellaha dhexe ee shirka gogoshiisu taallo Jowhar.

''Waxaan rabaa inaan maanta halka uga dhawaaqo Anniga oo ku hadlaya Afka duubabka dhaqanka, in munaasabada saarka Ugaas Xassan kadib gobolka Hiiraan yeellan doono Dowlad-gobolleed dhameystiran,'' Ayuu yiri Ugaas Cali.

Odoyaasha ayaa fariin u diray IGAD oo ka codsaday inaysan kharakh iyo waqti isag lumin dadka reer Hiiraan hadii aysan dalabkooda u fulin.

Arrinta ayuu sheegay inay qorshaheedu billaaban doono Caano Shubka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

IGAD ayaa dowladda Somalia u xil saartay dhismaha maamulka labadaasi gobol kadib markii dowladda Federalka ku fashilanta yaqleelidda maamul ay yeeshaan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM