PUNSAA oo soo saartey go'aamo ku saabsan barnaamijka New Deal

Image

November 16, 2014 (GO)- Shir muddo labo maalmood ah soconayey oo ururada ku mideysan dallada bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) isugu yimaadeen ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyey magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirkaas oo looga hadlayey barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal) iyo kaalinta ay ku yeelaneyso bulshadu gaar ahaan tan Puntlan waxa gaba gabadiisii laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban todoba qodob.

Gudoomiye ku-xigeenka PUNSAA Saynab Ismaaciil Maxamed ayaa qodobadaas u akhrisay warbaahinta waxayna u qornaayeen sidan:

1:Dowlada Puntland iyo bulshadu caalamku waa inay aqoonsadaan dowrka bulshada rayidka ah ay ku leedahay hanaan socodka hirgalinta hiigsiga cusub(New deal).

2: In la xoojiyo ka qeyb galka bulshada rayidka ah ee dhammaan heerarka fulinta ee barnaamijka New Deal.

3: Si bulshadu u fahanto ujeedadda barnaamijka hiigsiga cusub waa in lagu baahiyaa waci galintiisa dhammaan gobolada,  degmooyinka iyo ilaa heer tuulo.

4: In dib u eegis lagu sameeyo daraasadii qabyada ahayd ee lagu sameeyay burburkii Soomaaliya(Somali fragility assesment) si loo ogaado dhibka ka imaanaya.

5: dowlada federalka, dowladdaha xubnaha federalka , beesha caalamka iyo bulshada rayidka ah waa inay ujeeddo midaysan ka yeeshaan habsi usocodka iyo hirgalinta barnaamijka New deal.

6: In dib u hishiisiin guud laga sameeyo dalka gudahiisa si loo helo isku kalsoonaan iyo is aaminid qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

7: Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay garwaaqsatay inay muhiim tahay xoojinta xiriirka bulshoweynta Soomaaliyeed iyo dowladda si looga baxo colaadaha iyo burburka ragaadiyay dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM