Puntland: Doonyo loo qabtey kalluumeysi sharci darro ah

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Ciidamadda Badda ee dowladda Puntland ayaa Isniinta maanta ah waxay shaaca ka dhigeen in ay gacanta ku dhigeen 10 doonyo iyo shaqaalahooddii kuwaasoo ay sheegeen in ay ku howlanaayeen kalluumeysi sharci darro ah.

Taliska ciidanka badda Puntland ee loo yaqaano PMPF-ta ayaa caddeyn ahaan u soo bandhigay sawiradda doonyaha iyo shaqsiyaadkii watay.

Sidda ku xusan qoraalka, howlgalka ay ciidamaddu kusoo qabteen doonyaha iyo shaqsiyaadkii wadday ayaa ka dhacay xeebaha Qaw, Ceelaayo, Durduri, Raasi Gacan iyo degmada Laasqoray.

Shaqsiyaadka loo qabtey fal-dambiyeedkaas ayaa kasoo jeeda waddanka Yemen, sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

"Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa hawlgallo qorsheysan oo Badda ah ka fuliyey xeebaha Qaw, Ceelaayo, Durduri, Raasi Gacan iyo degmada Laasqoray, hawlgalka waxaa ciidamadu kusoo qabteen 10 doonyood iyo shaqaalahoodii, kuwaas oo u dhashay dalka Yaman, ugana kalluumaysanaayey si sharci daro ah xeebaha Puntland," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Muwaadin nagala qayb-qaado sugidda Amniga iyo xasiloonida Puntland oo nagula wadaag xogta cadawga iyo kalluumaysiga sharcidarada ah lambarkan gaaban ee 3311 oo aad usoo wicikarto, si lacag la'aan ah".

Bishii hore ee Febraayo 15-keeda, sanadkan 2021 ayay ahayd markii ciidanka Puntland ay sidaan oo kale howlgal ay ka sameeyeen deegaanada Tooxin, Baargaal, Gunbax, Xaafuun iyo Foocaar ay ku qabteen doonyo dhawr ah "oo sifo sharcidaro ah uga kalluumaysanaayey deegaanada kor ku xusan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Itoobiyaan Lagu Eedeeyay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab oo Maxkamad lasoo taagey

Xeer-ilaalinta ayaa maxkamadda u sheegtay in eedeymaha loo haysto ay la xiriiraan ka qaybgal dagaallo.

  • Soomaliya

    31-05-2026

  • 02:25PM

Dhex-dhexaadin siyaasadeed oo xal loogu raadinayo Khilaafka Galmudug iyo Villa Somalia

Si kastaba ha ahaatee, xogaha ayaa sheegaya in kulamadii Dhuusamareeb ay ku soo dhammaadeen natiijo la’aan.

  • Soomaliya

    31-05-2026

  • 06:38AM