Puntland: Go'aankii xanibaada Gadiidka oo qarka u saaran dagaal ganacsi [Daawo]

Image

BALADWEYNE, Hiraan- Kadib markii maamulka Puntland amar ku soo rogey Gadiidka isaga gooshaya Koonfurta iyo gobolada Woqooyi Barri ee Somalia ayaa waxaa soo baxaya cabashooyin la xiriira dhinacyada ay khuseyso arimahaan.

Ganacsatada Puntland ayaa raashinka iyo badeecadaha kala loo yaaqaan bagaashka u dhoofiya gobolada dhexe ee Somalia halka badeecadaha kasoo baxa dalaga kala duwan ee beeraha kuwasoo laga helin Puntland iyo Xoolaha loo dhoofiya wadamada Carabta laga keeno Koonfurta Somalia.

Gobolada dhexe ee Somalia ayaa aad ugu xiran badeecadaha ka yimaada Puntland madaama kala xirnaanshaha ay sababtey amni xumada ka jirta saameyn ku leedahay.

Hadal kasoo baxay afhayeenka xukuumada Puntland dhowaan ayuu ku sheegey in amarkii lagu soo rogey Gadiidka isaga goosha Koonfurta iyo degaanada Puntland si wanagsan u socdo islamarkaana shaqo abuur u sameeyey dadka daga magalaada Galkacayo.  

Waxaa jira cabashooyin kasoo baxaya ganacsatada Puntland iyo Koonfurta Somalia kuwasoo ah sameynayta ay  yeelatey xornimadii ganacsiga oo xukuumada faragalin buuxda ku sameysay.

Dhinaca kale siyaasiyiinta maamusha gobolada Koonfureed ee Somalia ayaa iyaguna arinkaan ka hadley kuwasoo ku eedeeyey madaxda Puntland in talabadaan khaldan tahay dib-na uga noqdaan.

Xubnaha ugu dambeeyey ee ka hadlay waxaa kamid ah gudoomiyaha gobolka Hiraan kasoo digniin u direy maamulka Puntland isagoo ka dalbadey iney soo fasaxaan Gadiidka ay ka haystaan ganacsadaha gobolkaan.

Dabageed ayaa sheegey in ganacsiga Puntland iyo gobolka Hiraan isku xiran yahay iyadoo ganacsatada goboladaas ku sugan yihiin magalaada Baladweyne kuwasoo aan wax dhibaato ah la Kulmin.

Gudoomiyaha ayaa sheegey in ganacsatada Puntland xoolaha ka iibsadaan gobolka Hiraan islmarkaana ku naaxsadaan xoolahooda halka Gadiidka laga lahaa gobolkaan ku xayiran yahay Galkacayo isagoo laga furtey taarikadii Puntland.

Hadalka gudoomiyaha ayaa imaanaya xilli mas'uuluyinta Puntland aaminsan yihiin in talabadaan wax badan ka qabaneyso amniga gobolada ay ka arimiyaan.

GAROWEONLINE 

HALKA KA DHAGEYSO HADALKA GUDOOMIYAHA GOBOLKA HIRAAN

GAROWEONLINE 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM