Puntland iyo Jubbaland oo isaga baxay shirka Muqdishu

Image

20 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Muqdishu ayaa sheegay in Ergadii matalaysay Puntland iyo Jubbaland isaga baxeen shirka looga hadlayay mustaqbalka Somalia iyo doorashada dhici doonta 2016.

Arrinta Puntland shirka uga baxday ayaa lagu sheegay inay tahay hor fariisiga maamulka sharci darrada ah ee Galmudug.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas" ayaa sheegay inuusan shir la gali dooniin madxweyne maamulkiisu sharci darro yahay, maadaama uu ka koobanyahay gobol iyo bar.

Dhinaca kale Jubbaland ayaa shirkaasi isaga baxday, waxaana arrinteedu salka ku haysaa Dastuurka iyo khilaafkii ka dhashay dhismaha Barlamanka Jubbaland.

Saraakiil ka agdhow Villa Somalia aya Garowe Online u sheegay in ergada Puntland ee shirka ka baxay go'aamadooda horgayn doonaan Galabta madasha wadatashigu ka socdo.

Waxa Madaxtooyada Somalia ka socda dadaallo lagu doonayo qaboojinta arrintan iyo sidii loo aqoonsan lahaa maamulka Galmudug ee dhawaan lagu dhisay Cadaado.

Wixii ka soo kordha waxaan idiin ku soo gudbin doonna wararka dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM