Puntland iyo Jubbaland oo isaga baxay shirka Muqdishu

Image

20 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Muqdishu ayaa sheegay in Ergadii matalaysay Puntland iyo Jubbaland isaga baxeen shirka looga hadlayay mustaqbalka Somalia iyo doorashada dhici doonta 2016.

Arrinta Puntland shirka uga baxday ayaa lagu sheegay inay tahay hor fariisiga maamulka sharci darrada ah ee Galmudug.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas" ayaa sheegay inuusan shir la gali dooniin madxweyne maamulkiisu sharci darro yahay, maadaama uu ka koobanyahay gobol iyo bar.

Dhinaca kale Jubbaland ayaa shirkaasi isaga baxday, waxaana arrinteedu salka ku haysaa Dastuurka iyo khilaafkii ka dhashay dhismaha Barlamanka Jubbaland.

Saraakiil ka agdhow Villa Somalia aya Garowe Online u sheegay in ergada Puntland ee shirka ka baxay go'aamadooda horgayn doonaan Galabta madasha wadatashigu ka socdo.

Waxa Madaxtooyada Somalia ka socda dadaallo lagu doonayo qaboojinta arrintan iyo sidii loo aqoonsan lahaa maamulka Galmudug ee dhawaan lagu dhisay Cadaado.

Wixii ka soo kordha waxaan idiin ku soo gudbin doonna wararka dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM