Puntland oo diidey go'aanka dowlada Federaalka

Image

MUQDISHU-Wadahadallo ka socday magalada Muqdishu balse ay ka maqnaayeen madaxda ugu saraysa dowladda Federalka Somalia( Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusman), ayaa laga soo saaray qoraal la sheegay in lagu dhisi doono habraaca doorashada 2016.

Qoraalka soo baxay ayaa lagu xusay in aqalka sare ee (SENATE-ka) dolwad goboleed kasta laga siiyo 8 xubnood markii lagareebo Puntland iyo Somaliland oo min 3 xubnood dheer dowlad goboleedyada kale.

Wadarta xubnahaas ayaa noqoneysa 54 xubnood oo ka kala imaan doona 6 maamul goboleed oo kala ah.

  • Jubbaland
  • Puntland
  • Somaliland
  • Koonfur galbeed
  • Galmudug
  • Hiiraan iyo shabeelle

Balse, xubnaha Barlamanka ama aqalka hoose ayaa la sheegay in lagu soo xuli doono nidaamkii hore ee 4. 5, waxaana arrintaas gaashaanka ku dhufatay Puntland.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdishu ayaa warbaahinta u sheegay in go'aankaasi uusan waafaqsanayn aftidii shacabka reer Puntland, ka Cabdiwali ahaanna uusan ku matalayn waxa soo baxay.

Wuxuu sheegay inuu talo galyo ahaan dib ugu celin doon dadka reer Puntland, wixii go'aan gaaris ahna ay iyagu leeyihiin.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli xal wadajir ah loo raadinayo habraaca doorashada dalka Somalia ka dhici doonta 2016, waxaana jira kala aragti duwaan xooggan oo ka dhex aloosan dowladda Federalka iyo maamullada xulafada la ah, halka Jubbaland iyo Puntland ayaa iyago mowqifkoodu kusalaynaa deegaan, laakiin go'aanka soo baxay waxaa gooni uga istaagtay Puntland oo ku doodaysa inuusan sharci ahayn maxsuulka kasoo baxay wadatashiyada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM