Qaabka lagu soo xulayo Barlamanka Jubaland oo laga dooday

Image

December 31, 2014 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo golihiisa wasiirada oo ku shiray madaxtooyada Kismaayo ayaa ka arrinsaday habka lagu soo xulayo golaha Barlamanka Jubbaland.

Wasiirada qaar ayaa soo jeediyey fikirka ah in xubnaha Barlamanka loo qeybsado qaab qabiil ama hanaanka ah 4.5 inkastoo ay fikir taas ka duwan qabeen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada Jubaland.

Dood dheer oo socotay mudo kadib waxaa ugu dambeyn laysla gartay in golaha Barlamanka lagu soo xulo hab deegaan iyo sida ay degmooyinka u kala dagaan qabaa'ilka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee ku midoobay maamulka Jubbaland.

Waxaa horay loo sii diyaariyey dhismaha uu ku shaqeyn doono Barlamanka Jubaland ee la filayo in dhowaanta la bilaabo soo xulistiisa.

Axmed Madoobe madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sanadii labaad wada dhameystirka maamulka iyo soo xulida xubnaha Barlamanka Jubbaland, wuxuuna sheegay in caqabado badan jireen balse hada laga gudbey lana joogo gaba gabadii.

Halkan ka akhri heshiiska maamulka Jubaland iyo Koonfur Galbeed

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM