Qaban qaabada shirka wadatashiga oo Muqdishu ka socota

Image

19 September, 2015(GO)-Waxaa magalada Muqdishu ka socda qaban qaabada shirka looga tashanayo doorashada 2016 oo furmi doona maalinta Axadda 20 September.

Shirkan waxaa looga dhawaaqay magalada Kismayo, xilli madaxda DFS iyo maamullada dalka ka qayb galeen caleema saarkii Axmed Madoobe.

Wufuud kala duwan oo ka socota beesha caalamka iyo maamul goboleedyada ayaa ku wajahan xarunta dalka Somalia ee Muqdishu.

Shirka waxaa la qorshaynayaaa in looga hadlo nooca ay tahay doorashada ka dhici doonta Somalia 2016, waxaana qayb ka ah shirkaasi sida xogto nagu soo gaarayso xubno matalaya bulshada Rayidka ah.

Sannadka 2016 dalka Somalia waxaa la qorsheyay inay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah, balse DFS ayaa shaacisay inaysan dhici karin, waana sababta keentay in shirkan lagu dhawaaqo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM