Qaban qaabada shirka wadatashiga oo Muqdishu ka socota

Image

19 September, 2015(GO)-Waxaa magalada Muqdishu ka socda qaban qaabada shirka looga tashanayo doorashada 2016 oo furmi doona maalinta Axadda 20 September.

Shirkan waxaa looga dhawaaqay magalada Kismayo, xilli madaxda DFS iyo maamullada dalka ka qayb galeen caleema saarkii Axmed Madoobe.

Wufuud kala duwan oo ka socota beesha caalamka iyo maamul goboleedyada ayaa ku wajahan xarunta dalka Somalia ee Muqdishu.

Shirka waxaa la qorshaynayaaa in looga hadlo nooca ay tahay doorashada ka dhici doonta Somalia 2016, waxaana qayb ka ah shirkaasi sida xogto nagu soo gaarayso xubno matalaya bulshada Rayidka ah.

Sannadka 2016 dalka Somalia waxaa la qorsheyay inay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah, balse DFS ayaa shaacisay inaysan dhici karin, waana sababta keentay in shirkan lagu dhawaaqo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM