Qaramada Midoobay oo cambaaraysay Burcad afduub gaysatay

Image

26 November, 2015(GO)-Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay, ayaa ka hadlay weerar dhawaan koox Burcad Somali ah ku qaadeen Doon Kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Pakistan balse uu ka babanayay calanka Iran.

Kay, ayaa tilmaamay inay cambaaraynayaa falkaasi, xilli uu sheegay in dalka Somalia ku jiro soo kabasho iyo hormar uu ka samaynayo dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

“Xilli Soomaaliya ay horumar ka sameyneyso siyaasadda iyo ammaanka, laguna guda jiro dadaallada horumarinta dhaqaalaha, waxaan walaac ka muujinayaa dib u soo cusboonaanshaha falalka burcad badeedda,waxaan cambaareynayaa burcadnimada hubaysan ama burcadda badda,”Ayuu yiri Danjire Kay.

Dhawaan ayay ahayd markii Doon Kalluumaysi sharci darro lagu afduubtay xeebaha degmada Eyl, walow maamulka degmadaasi oo beeniyay, waxaana lala aaday dhinaca Galmudug gaar ahaa halka lagu magacaabo Ceel Huur oo ka tirsan gobolk Mudug.

Dhawr jeer oo hore Kalluumaysato ku dhaqan Puntland ayaa ka digtay soo laabashada falalka Burcadnimada, ka dib jariif xooggan oo lagu hayo xeebaha Somalida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM