Qaramada Midoobay oo cambaaraysay Burcad afduub gaysatay

Image

26 November, 2015(GO)-Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay, ayaa ka hadlay weerar dhawaan koox Burcad Somali ah ku qaadeen Doon Kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Pakistan balse uu ka babanayay calanka Iran.

Kay, ayaa tilmaamay inay cambaaraynayaa falkaasi, xilli uu sheegay in dalka Somalia ku jiro soo kabasho iyo hormar uu ka samaynayo dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

“Xilli Soomaaliya ay horumar ka sameyneyso siyaasadda iyo ammaanka, laguna guda jiro dadaallada horumarinta dhaqaalaha, waxaan walaac ka muujinayaa dib u soo cusboonaanshaha falalka burcad badeedda,waxaan cambaareynayaa burcadnimada hubaysan ama burcadda badda,”Ayuu yiri Danjire Kay.

Dhawaan ayay ahayd markii Doon Kalluumaysi sharci darro lagu afduubtay xeebaha degmada Eyl, walow maamulka degmadaasi oo beeniyay, waxaana lala aaday dhinaca Galmudug gaar ahaa halka lagu magacaabo Ceel Huur oo ka tirsan gobolk Mudug.

Dhawr jeer oo hore Kalluumaysato ku dhaqan Puntland ayaa ka digtay soo laabashada falalka Burcadnimada, ka dib jariif xooggan oo lagu hayo xeebaha Somalida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM