Qaramada Midoobay oo cambaaraysay weerarkii Muqdishu

Image

22 Septembar, 2015(GO)-Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicolas Kay ayaa cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ee lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada Muqdishu.

Kay ayaa xilliga qaraxu dhacay ku sugnaa Villa Somalia, waxa uu sheegay inay ka xunyihiin falkaasi, isagoo tacsi u diray dadkii wax ku noqotay.

Qaraxa ayaa dhacay saacad kaddib markii la soo gabagabeeyey shirkii wadatashiga ee madaxda Somaliada u socday.

Khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo bur-bur kale, waxaana dhaawacyada la geeyay cusbitalka Madiino ee magalada Xamar.

Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in ay ka soo raynayso xaaladda caafimaad ee dhaawacyo ka badan labaatan qof oo xalay la gaarsiiyay isbitalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM