​Qaramada Midoobay oo ka hortimid xubno ku Jira Aqalka Sare

Image

Qoraal kasoo baxay xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, ayaa looga soo horjeestay Saddex Xubnood oo kamid ah Liisaska ay soo gudbiyeen maamullada dalka qaybtood.

Warqado rasmi ah oo ku saxiixanyahay Michael Keating ayaa ayaa loo diray maamullada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland oo lagu wargaliyay in xubnaha kamid noqon shakhsiyaadka matalaya Aqalka Sare.

Xubnaha la diiday ayaa kala ah; Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) iyo Axmed Xaashi Maxamed.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay kasoo qayb galeen dagaallo ka dhacay dalka Somaliya bur-burkii dowladdii dhexe kadib.

Mid kamid ah xubnaha gaar ahaan Cabdi Qaybdiid, ayaa maanta la doortay, halka kuwa kale aysan hortagin dadkii codka u qaadi lahaa.

Warqad kamid ah qoraalada la diray oo helay Garowe Online, ayaa madaxweynaha Galmudug lagu wargaliyay in Qaybdiid uusan kamid noqon karin dadka matalaya Aqalka Sare maadama sida la sheegay lagu haysto dambiyo dagaal.

Qaybdiid ayaa horay usoo noqday Madaxweynaha Galmudug isagoo ka qayb gali jiray shirar caalami ah, lana kulmi jiray mas'uuliyiin katirsan Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

Majirin cid horay maxkamad u saartay dad loo haysto inay ku lug lahaayeen colaadahii Somalia ka dhacay.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay horay uma soo saarin qaraar mamnuucaya in dadka noocaas ah ka qayb galaan siyaasadda Somalia.

Xubnaha la haysto ayaa qaybtood horay ayay uga fariisteen waxyaabaha lagu eedaynayo iyagoo qaybtood waqti hore dalka ugu dambaysay.

Weydiimo badan ayay dhalisay tallaabadan iyadoo siyaabo kala gadisan loo macneeyay, waxaana la saadaaliyay inay carqalad ku noqon karto qorshaha aan cagaha badan ku taagnayn ee lagu doonayo inay doorasho uga dhacdo Somalia.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamullada loo gudbiyay qoraalkan kasoo baxay Qaramada Midoobay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM