Qaramada Midoobay oo kahadashay dilka shaqaalaheeda Muqdishu

Image

15 December, 2015(GO)-Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Danjire Nicholas Kay ayaa ka hadlay weerar qorshaysan oo lagu dilay labo ruux oo ka tirsan hay'adooda u qaabilsan arrimaha Qaxootiga(UNHCR).

Kay ayaa codsaday in cadaaladda la horkeeno dambiilayaasha falkaasi fuliyay, wuxuuna tacsi u diray qoysaskii labada qof ee kala ah Amino Maxamed Nuur iyo Cabdirisaaq Aadan Cadaawe ka geeriyoodeen.

Egayga xafiiska banaynaya ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xunyahay dilka loo gaystay shaqaale u adeegaya qaxootiga Somaliyeed, wuxuuna ku baaqay in dowladdu gacanta ku soo dhigto shakhsiyaadka falkaasi fuliyay.

Shalay 14 December, goor fiidnimo ah, ayaa shaqaalahaasi lagu dilay magalada Muqdishu gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.

Majirto cid loo soo qabtay, balse saraakiisha amniga ayaa sheegay inay wadaan baritaano lagu xaqiijinayo cidda ka dambaysay weerarka.Ilaa hadda majirto cid sheegatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM