Qaramadda Midoobay oo soo dhaweysay kulanka Farmaajo iyo Biixi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay wadahadalada la filayo in ay Jabuuti ku yeeshaan madaxweyneyaasha dowladda federaalka ah iyo maamulka Somaliland.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee UNSOM ayaa lagu sheegay "in shirkaas uu dhiiragelinayo wada-xaajoodyadda mustaqbalka".

Sidda laga soo xigtay bayaanka oo lagu daabacay luuqadda English, UN-ka ayaa rajeynaya in "natiijo dan guud ah uu kasoo baxo shirka".

"Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya wuxuu soo dhaweynayaa wadahadaladda u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo uu martigelinayo madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kani [kulanka] wuxuu dhiiragelin u noqonayaa wada-xaajoodyadda mustaqbalka, kuwaas oo aan rajeyneyno in ay kasoo baxaan natiijo laga wada faa'iideysto" ayaa lagu yiri qoraalka oo lasoo raaciyey calanka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Wafuud ay kala hogaaminayaan Farmaajo iyo Biixi ayaa maanta ka degay Jabuuti. Saacado nasiino ah kadib, waxaa la filayaa in ay isa soo horumariistaan. Geelle wuxuu noqonayaa shir gudoonka wadahadalka.

Shirar gaar-gaar ah oo noqonaya kuwa albaabada u xiran ayay yeelan doonan madaxda iyo wakiiladda Beesha Caalamka, iyaddoo la qorsheynayo in gabagabadda lasoo saaro war-murtiyeed wadajira.

Kulankaan ayaa noqonaya midkii labaad oo noocaasi ah oo dhexmara Farmaajo iyo Biixi tan iyo markii ay la doortay. Lama soo bandhigin ajendaha. Balse waxay quseysaa arrimaha gooni u goosadka.

Soomaalida ayaa indhaha ku haysa natiijadda kasoo bixi doonta shirkaas oo la aaminsan yahay in ay wax badan ka bedeli doonto jihada siyaasadeed ee haatan uu waddanka ku jiro iyo doorashooyinka soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM