Qarax dad ku dhaawacmeen oo ka dhacay Jowhar

Image

March 11, 2015 (GO)- Gaari ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaala ayaa xalay qarax lagula eegtay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Bam nooca gacanta ah ayaa lagu tuurey gaariga xilli uu marayey xaafadda Hantiwadaag. Weerarka waxaa ku dhaawacmey afar qof oo dhammaantood askar ahaa.

Askarta dhaawacantey oo labo kamid ah xaaladoodu halis tahay waxaa xilligan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee degmada.

Ciidamada ammaanka ayaa daqiiqado kadib soo gaarey aagga uu qaraxu ka dhacay, waxayna gacanta kusoo dhigeen dhowr qof oo falkaas lala xiriirinayo.

Ciidamadu waxay sidoo kale xireen qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee dhex mara xaafadda Hantiwadaag, inkastoo saaka dib loo furey.

Xaaladda Jowhar ayaa maanta ah mid deggen, waxaana si caadi ah ku socda dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM