Qarax gaari la rakibay oo ka dhacey bartamaha magaalada Muqdishu

Image

22 August, 2015 (GO)- Qarax ka dhashey gaari goobta la dhigey ayaa ka dhacey abaarihii makhribkii magaalada Muqdisho halka loo yaqaan isgoyska Juba halkasso la sheegayo in dad rayid ah waxyeelo kasoo gaartey.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee qaraxaas balse warar ayaa sheegaya in ciidamada amniga rumeysan yihiin gaarigaan in muddo ah goobtaas yaaley.

Goobta qarax ka dhacey ayaa waxaa mara gadiid rayidka ah iyo kuwa dowlada Federaalka iyadoo iminka ciidama amniga joogaan halkaas.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya kadib markii maanta qarax is-miidaamin ah ka dhacey xero ciidamada lagu tababaro halkaasoo ku dhinteen 15 askari halka 20 kale ku dhaawacntey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM