​Qarax ka dhacay Afgooye oo dilay 4 qof

Image

AFGOOYE- Weerar bambaano oo maanta ka dhacay degmada Afgooye ayaa sababay dhimashada afar qof uu ku jiro askari canshuur qaadayay iyadoo falkaasi lagu dhaawacay saddex kale.

Majirto cid sheegatay, balse qaraxan ayaa ka dhacay suuq xoolaha lagu iibiyo halkaasi oo ku sugnaayeen ciidamo dowladda katirsan oo canshuur qaadayay, waxaana waxyeello xooggan soo gaartay xoolihii suuqaasi ku jiray.

Goob jooge ku sugan Afgooye ayaa GO u sheegay in bambaanada la tuuray xilli ciidamadu ku mashquulsanaayeen canshuur qaadis.

Shakhsiyaadkii falkaasi gaystay ayaa goobta ka fakaday, waxaana suuqa la weeraray soo gaaray ciidamada katirsa dowladda oo bilaabay baaritaan xooggan.

Majirto wax war ah oo dhinac dowladda kasoo baxay kaasi oo ku aadan falalkan kusoo badanaya Afgooye.

Maaha markii ugu horaysay weerar bambaano lagu qaado ciidamo dowladda ee canshuurta qaada, waxaana weerar caynkan ah oo dhacay 12-kii bishii March lagu dilay 8 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM