​Qarax ka dhacay degmada Qoryooley Shabeellaha hoose

Image

QORYOOLAY- Waxaa caawa qarax lala eegtay goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda Somalia, waxaana weerarkaasi ku dhintay hal qof, halka dhaawacyo kala duwan soo gaareen ciidamada iyo shacab goobta ku sugnaa.

Gudoomiyaha degmada Qoryoolay, ayaa xaqiijiyay qaraxa isagoo sheegay in ruuxa dhintay uu ahaa shacab.

Majirto cid sheegatay qaraxan, balse waxaa looga shakisanyahay kooxda Al-Shabaab.

Weerarka kadib ciidamada ayaa sameeyay baaritaano kala duwan, waxaana qaraxa lagu tilmaamay miino dhulka lag aasay.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay weeraro kooxda Shabaab fulinaysay kuwaasi oo lagu dilay dad shacab iyo mas'uuliyiin isugu jiray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM