Somalia: Faahfaahinta Khasaaraha Qaraxa Muqdishu

Image

MUQDISHU- Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay shan kalena way ku dhaawacantay qarax baabuur oo goor dhowayd ka dhacay magaalada Muqdishu.

Qaraxan ayaa xooggiisa laga dareemay meelo badan waxaana goobjoogayaashu sheegayaan inuu ka dhacay mele u dhow maqaayad ay fadhiistaan dadweynaha iyo ciidamada amniga. 

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa mid uu sababay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Wararku waxay kaloo intaasi ku darayaan in goobta qaraxu ka dhacay ay u dhowdahay xarunta hay'adda nabadsugidda. 

Dadka dhintay ayaa iskugu jira laba qof oo ah dhalinyarada baalashlayaasha iyo qof saddexaad oo saarnaa baabuurka curyaamiinta. Warbixinta ku saabsan qaraxaas iyo dil ay dawladdu ku fulisay laba qof oo hore loogu helay dilka weriye Hindiyo Xaaji Maxamed hoos ka dhagayso.

VOA

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM