​Qarax ka dhacay nawaxiga xarunta gobolka Banaadir

Image

MUQDISHU- Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray nawaaxiga xarunta dowladda hoose gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho  iyo dhaawac isugu jira.

Weerarka ayaa lala beegsaday maqaayad lagu magacaabo al-Hinda taasoo ku taalla dhabarka dambe xarunta Officio Governo, waxaana qaraxa ka dhib la maqlayay rasaas xooggan iyadoo la saadaalinayo inay isweydaarsanayeen mallayshida weerarka fulisay iyo ciidamada ammaanka goobtaasi.

Ilaa hadda majirto cid sheegatay, balse wuxuu kusoo beegmayaa xilli xarunta Somalia ka socdo shir madaxda Somalida uga arrinsanayaan xaaladda doorashooyinka iyo siyaasadda amniga.

Qaraxyada ayaa kusoo badanaya magalada Muqdishu, waxayna ahayd 09-kii bishan markii weerar lagu qaaday maqaayad lagu cunteeyo lagu dilay ku dhawaad 5 ruux tiro intaasi ka badanna lagu dhaawacay.

Mallayshiyada Shabaab ayaa weeraradan oo kale ku caanbaxday, waxana maxkamadda ciidamada qalabka sida Somalia dil toogasho ku fulisay maanta 11- April iyo 9-ka bishan xubno katirsanaa kooxdaasi oo dilal ka fuliyay caasumadda Somalia gaar ahaan kuwo lagu laayahay wariyaal Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM