Qarax khasaare badan geystey oo Muqdisho ka dhacay

Image

October 12, 2014 (GO)- Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyoodey tiro intaas badanna dhaawac ayaa kasoo gaaray qarax ismiidaamin ahaa oo caawa ka dhacay jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari yar oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey waxaa lala beegsaday maqaayad qurbe joogta iyo dadka caanka ahi badanaa ku qaxweeyaan oo lagu magacaabo Oromo Cafe.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ahiba waxay u badan yihiin kuwii maqaayadda la qarxiyey ku sugnaa, waxaana lagu soo waramayaa in saacadaha soo socda laga cabsi qabo in tirada dhimashadu kororto, maadaama dadka dhaawaca ah ku jiraan qaar ay xaaladoodu halis tahay.

Ciidamada ammaanka oo daqiiqado kadib goobta soo gaarey ayaa xiray agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay, welina saraakiisha laamaha ammaanku faah faahin kama bixin qaraxan iyo khasaaraha uu geystey.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa aad hoos ugu dhacay qaraxyada iyo weeraradii kale ee kooxda Al-shabab ka geysan jirtey magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM Al-shabab kala wareegeen deegaano badan oo xaruntoodii ugu weynayd ee Baraawe kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Mustaf Dhuxulow, magacaabayna agaasime cusub

Idow ayaa ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn ugu lugta lahaa geedi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:50PM

Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:40PM