Qarax khasaare badan geystey oo Muqdisho ka dhacay

Image

October 12, 2014 (GO)- Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyoodey tiro intaas badanna dhaawac ayaa kasoo gaaray qarax ismiidaamin ahaa oo caawa ka dhacay jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari yar oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey waxaa lala beegsaday maqaayad qurbe joogta iyo dadka caanka ahi badanaa ku qaxweeyaan oo lagu magacaabo Oromo Cafe.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ahiba waxay u badan yihiin kuwii maqaayadda la qarxiyey ku sugnaa, waxaana lagu soo waramayaa in saacadaha soo socda laga cabsi qabo in tirada dhimashadu kororto, maadaama dadka dhaawaca ah ku jiraan qaar ay xaaladoodu halis tahay.

Ciidamada ammaanka oo daqiiqado kadib goobta soo gaarey ayaa xiray agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay, welina saraakiisha laamaha ammaanku faah faahin kama bixin qaraxan iyo khasaaraha uu geystey.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa aad hoos ugu dhacay qaraxyada iyo weeraradii kale ee kooxda Al-shabab ka geysan jirtey magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM Al-shabab kala wareegeen deegaano badan oo xaruntoodii ugu weynayd ee Baraawe kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM