Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Image

Sept 9, 2014 (Garowe Online)- Ku dhowaad Shan ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii uu qarxay gaari yaalay Isgoyska oo ahaa nuuca raaxada kaasi oo aanan la ogayn sababta loo qarxiyay.

Dadka ugu badan ee waxyeeladu  soo gaartay ayaa waxay yihiin haween ku ganacsanayay agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana loola cararay isbitalka Madiina. 

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ayaa hawlgal ka wada halka uu qaraxu ka dhacay lamana garan karo cidda lala damacsanaa.

Kooxdan dagaalka kula jirta dowlada iyo ciidanka AMSIOM ayaa shalay oo Isniin ahayd weerar Ismiidaamin ah oo ku qaaday kolonyo ka mid ah ciidamada AMISOM xili ay marayeen deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka degmada Afgooye waxay ku dileen in ka badan 20-ruux oo shacab ah halka dhaawucuna uu intaasi ka sii badanyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM