Garowe: qarax lala beegsadey gaari Qaramada Midoobey leedahay

Image

GAROWE, April 20, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa goor dhow ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday gaari bus ah oo ay la socdeen qaar kamid ah  shaqaalaha xarunta Qaramada Midoobey ee Garowe.

Wararka hordhaca ah ee Garowe Online helayso ayaa sheegaya in qaraxu ka dhashay miino xilli hore gaariga lagu sii rakibey.

Wararku waxay intaas ku darayaan in qaraxa ay ku dhinteen siddeed qof oo isugu jirey shan ajnabi ah iyo Afar Soomaali ah.

Mas'uuliyadda weerarkan ilaa iyo hadda cidna ma sheegan, balse magaalada Bosaso ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxaa weerarro ka gaysanayey ururka Al-shabaab.

Qaraxan ayaa ah kii ugu horreeyey noociisa ee abid magaalada Garowe ka dhaca. Garowe Online kala soco faah faahin dheeri ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM