​Qaraxyo ka dhacay Baardheere Gedo

Image

Ugu yaraan shan miino ayaa lagu aasay degmada Baardheere gobolka Gedo, waxaana lala eegtay kolonyo katirsan ciidanka dowladda iyo kuwa Ethopia ee qaybta ka ah Midowga Afrika xilli ay marayeen magalada.

Inta la hubo labo ruux ayaa ku dhintay  weeraradaasi, waxaana jira dhaawacyo kala duwan oo ka dhashay miinooyinka dhulka lagu aasay.

Mid kamid ah qaraxyada dhulka lagu aasay ayaa haleeshay gaari ay wateen ciidamada Ethopia, waxaana falkaasi kadib Milaterigu fureen rasaas dhaawacday saddex ruux oo shacab ah.

Arrintan ayaa keentay inuu hakad galo isu socodka gaadiid iyo dadweynaha, waxaana la jaray isgaarsiinta degmada intii howlgalka lagu jiray.

Goob joog Garowe Online, la xiriiray waxuu sheegay in miinada xalay degmada lagu aasay isagoo carrabka ku dhuftay in looga shakisanyahay ururka Shabaab, balse iyagu si cad uma sheegan.

Salaad Maxamud Xasan oo ah taliyaha Boliiska Baardheere oo la hadlay BBC, ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qarax lagu aasay magalada bartamaheeda, wuxuuna intaasi raaciyay inay soo qabteen ku dhawaad 20 ruux oo falkaasi looga shakisanyahay.

Dadka dhintay, ayuu tilmaamay inuu ku jiray cunug yar oo dugsi quraan dhiganayay, isagoo cadeeyay in labo kamid ah miinooyinkaasi ciidamadu soo saareen kahor intaysan qarxin.

Salaad ayaa xaqiijiyey dhaawaca askari katirsan ciidamada Ethopia.

Falkan, ayaa kusoo beegmaya xilli qaybo badan oo gobolka kamid ah kusuganyihiin mallayshiyaad katirsan ururka Shabaab.

Xaaladda Baardheere ayaa hadda dagan, waxaana gacanta ku haya ciidamada huwanta ah ee horay u joogay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM