​Qaraxyo ka dhacay Baardheere Gedo

Image

Ugu yaraan shan miino ayaa lagu aasay degmada Baardheere gobolka Gedo, waxaana lala eegtay kolonyo katirsan ciidanka dowladda iyo kuwa Ethopia ee qaybta ka ah Midowga Afrika xilli ay marayeen magalada.

Inta la hubo labo ruux ayaa ku dhintay  weeraradaasi, waxaana jira dhaawacyo kala duwan oo ka dhashay miinooyinka dhulka lagu aasay.

Mid kamid ah qaraxyada dhulka lagu aasay ayaa haleeshay gaari ay wateen ciidamada Ethopia, waxaana falkaasi kadib Milaterigu fureen rasaas dhaawacday saddex ruux oo shacab ah.

Arrintan ayaa keentay inuu hakad galo isu socodka gaadiid iyo dadweynaha, waxaana la jaray isgaarsiinta degmada intii howlgalka lagu jiray.

Goob joog Garowe Online, la xiriiray waxuu sheegay in miinada xalay degmada lagu aasay isagoo carrabka ku dhuftay in looga shakisanyahay ururka Shabaab, balse iyagu si cad uma sheegan.

Salaad Maxamud Xasan oo ah taliyaha Boliiska Baardheere oo la hadlay BBC, ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qarax lagu aasay magalada bartamaheeda, wuxuuna intaasi raaciyay inay soo qabteen ku dhawaad 20 ruux oo falkaasi looga shakisanyahay.

Dadka dhintay, ayuu tilmaamay inuu ku jiray cunug yar oo dugsi quraan dhiganayay, isagoo cadeeyay in labo kamid ah miinooyinkaasi ciidamadu soo saareen kahor intaysan qarxin.

Salaad ayaa xaqiijiyey dhaawaca askari katirsan ciidamada Ethopia.

Falkan, ayaa kusoo beegmaya xilli qaybo badan oo gobolka kamid ah kusuganyihiin mallayshiyaad katirsan ururka Shabaab.

Xaaladda Baardheere ayaa hadda dagan, waxaana gacanta ku haya ciidamada huwanta ah ee horay u joogay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM