​Qaraxyo ka dhacay Muqdishu

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Labo qarax oo kala duwan ayaa saaka ka dhacay magalada Muqdishu xarunta Somalia, waxaana inta la hubo dhintay Afar kamid ah ciidamada Boliiska iyadoo dhaawacmeen shacab badan oo ka cunteenayay maqaaxi ku taalla degmada Cabdul-casiis ee gobolka Banaadir.

Qaraxyada mid kamid ah ayaa loo adeegsaday gaari Surf ah halka kan kale uu ahaa Bajaaj.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay degmada Cabdul-casiis, waxaana lala eegtay goob maqaaxi ah oo ku sugnaayeen ciidamo Boliis katirsan, waxaan halkaasi ku dhintey afar ciidamadaas Boliiska degmada ah iyadoo jiraan dhaawacyo badan oo goobaha caafimaadka loo qaaday.

Qarax kale ayaa isna ka dhacay degmada Waabari ee gobolkaasi, waxaana la sheegay inuusan jirin khasaaro ka dhashay iyadoo laamaha ammaanku tilmaameen inay fashiliyeen isku daygaas.

Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Banaadir Gen. Cali Xirsi Cali "Gaab", ayaa weeraradan ka hadlay wuxuuna sheegay inay qabteen wadihii gaariga Surf-ka ahaa ee ku qarxay afaafka xarunta gaadiidka Boliiska degmada Cabdul-casiis, isagoo tilmaamay inay dhinteen qaar kamid ah ciidamadii goobta ku sugnaa.

Cali Gaab, ayaa sidoo kale xusay inay fashiliyeen qarax Bajaaj ama Dhug-dhugley lagu fulin lahaa, wuxuuna cadeeyay in la qabtay raggii saarnaa ka hor intaysan qarxin.

Qaraxyadan, ayaa yimi xilli lakala qaybiyay ammaanka gobolka oo loo kala xilsaaray Boliiska iyo Nabad sugidda, waxaana asbuucii hore Muqdishu ka dhacay kulamo kala duwan oo looga xaajoonayay ammaanka caasumadda Somalia, balse ma muuqato in la hakiyay weerarada ururka Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM