Qaraxyo lagu weeraray kolonyo uu la socday Shariif Xasan

Image

11 November, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo lagu weeraray kolonyo baabuur wateen ciidamo ka tirsan AMISOM oo la socday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia, kuwaasi oo marayay inta u dhaxaysa degmada Afgooye iyo deegaanka Carbiska.

Weeraran ayaa ahaa labo qarax oo kala duwan waxaana midkood ka dhacay halka lagu magacaabo Bood-boodka oo ka tirsan deegaanka Carbis, waxaana qaraxaasi loo malaynayaa in horey dhulka loogu aasay, waxaana goobta uu ka dhacay ku socdaalayay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, balse wax khasaaro ah kama soo gaarin.

Dad shacab ah ayaa weerarkaasi ku waxyeeloobay, kuwaasi oo la socday gaari bas ah goobta marayay, waxaana wararku sheegayaan inay ku dhinteen ilaa toboneeyo ruux halka tiro intaasi ka badan ku dhawacmeen.

Qarax labaad ayaa sidoo kale ka dhacay deegaanka Calaamadaha oo ka tirsan degmada Afgooye, waxaana la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee uu sababay.

Weeraradan ayaa dhacay xilli madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia ka soo laabtay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose oo kaga dhawaaqay inuu badalay Gudoomiyihii gobolkaasi Cabdulqaadir Maxamud Nuur Siidii, wuxuuna ku badalay Ibrahim Aadan Cali.

Ilaa hadda ma jirto cid rasmi ah oo weerarkaasi sheegatay balse, ururka Al-Shabaab ayaa dagaal xoogan kula jira xukuumadda Somalia iyo ciidamada nabad ilaalinta u jooga ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM