Qaraxyo xooggan oo ka dhacay Hotel Saxafi Muqdishu

Image

01 Novermber, 2015(GO)-Wararka saaka ka imaanaya magalada Muqdishu ee xarunta Somalia, ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan lala eegtay Hotel Saxafi oo ku yaalla isgoyska KM-4.

Weeraro is xig-xigay ayaa goobta ka dhacay, waxaana sheegtay ururka Al-Shabaab oo qoraal soo dhigtay baraha Internet-ka, waxayna ahaayeen kuwa loo adeegsaday gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxshay.

Malayshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay Hotelka, waxaana socday is rasaasayn u dhaxaysa kooxdaasi iyo ilaalada Hotel Saxafi.

Inta la hubo shan qof ayaa ku dhintay, waxaana jira dhaawacyo aan la xaqiijin tiradooda, waxaana ka mid ah sida warar hordhaca sheegayaan mulkiilaha Hotelka iyo Sawir qaade ka tirsanaa TV-ga Al-Jazeera.

Laamaha amniga ayaa tagay goobta falkaasi ka dhacay, waxaana Al-Shabaab sheegeen inay gacanta ku hayaan Saxafi Hotel, balse saraakiisha amniga dowladda Federaalka Somalia ayaa ka gaabsadaan.

Hotelka, waxaa inta badan ku shaaha isla markaana dagan xubno isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo beegsaday Hotelkan oo ku yaalla meel mashquul ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM