Qatar oo $8 million labo diyaradooda ugu iibisay dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Turkiga ayaa Soomaaliya soo gaarsiiyay diyaaradaha dagaalka ee Bayraktar Akinci, kuwaas oo awood u leh inay fuliyaan duqeymo cirka ah, taasoo xoojineysa howlgallada dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mas'uuliyiin ka tirsan difaaca Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhoweeyay labada diyaaradood, kuwaas oo soo gaaray Muqdisho Maanta, iyagoo lagu soo qaadey diyaarad militeri oo Turkiga uu leeyahay.

Garowe Online ayaa ogaadey in dowladda Qatar ay Soomaaliya usoo iibisay diyaaradaha, waxaana ku baxay qiimo lacageed oo gaaraya illaa 8 milyan oo dollar. Tani waxay muujinaysaa inay Qatar rabto saameyn inay ku yeelato dagaalka ka socda dalka.

Diyaaradaha Bayraktar Akinci ayaa lagu sheegay inay si weyn u horumarin doonaan awoodda hawada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), iyagoo baabi'in doona dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka.

Bayraktar Akinci waxay kamid tahay diyaaradaha aadka mudooyinkii dambe loogu adeegsanayay dagaallada, waxaana isticmaalay dowlado dhowr ah oo ka iibsaday Turkiga.

Iyadoo ay awood u leedahay inay qaaddo culays ilaa 1,500 kiilogaraam, waxay qaadi kartaa noocyo kala duwan oo hub ah, oo ay ku jiraan gantaallada SOM, gantaallada hawada hawada Gökdoğan, bamamka hagitaanka Bozok, iyo bamamka MK-82.

Turkiga ayaa sidoo kale ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan saaxiibada Soomaaliya ee ku howlan amniga iyo horumarka, isagoo bixinaya tababarka militari, taageero dhisme, iyo qalabka difaaca.

Soo dejinta diyaaradaha Akinci waxay calaamad u tahay horumar weyn oo ku saabsan xoojinta iskaashiga militari ee Turkiga iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale taageerada istiraatiijiyadeed ee Turkiga ee xasilloonida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM