Qaxooti isku hor gubay UNHCR Hargaysa

Image

06 Octobar, 2015(GO)-Nin qaxooti u dhashay Yemen ayaa shalay isku hor gubay xarunta hay'adda Qarmada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Arrintan ayaa timi nolol xumo haysata qaxootiga ku sugan Somaliland kuwaasi oo dhawr jeer oo hore laga dayriyay xaladooda nololeeda, waxaana ninka is gubay la sheegay in dhawr jeer oo hore ku soo laabtay xarunta UNHCR ee magalada Hargaysa isagoo gargaar dalbanaya.

Maamulka Somaliland iyo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaaxootiga weli kama aysan hadlin falkaasi, waxaana dhaawac culus oo soo gaaray ka dib loo qaaday xarun caafimaad.

Somaliland, waxaa ku sugan qaxooti ka yimi colaadda ka socota Yemen, waxaana falka isgubista lagu tilmaamay inuusan ahayn markii ugu horaysay ee qof gaxooti ah isku dayo, hadda ka hor ayaa la sheegay in qof falkaasi ku kici lahaa laga bad baadiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM