Qaxootigii ugu badnaa oo galabta Bosaso soo gaarey [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

April 10, 2015 (GO)- Dekedda magaalada Bosaso waxaa galabta kusoo xiratey doon siddey 260 qof oo kasoo qaxay dalka Yemen.  Dadkan oo isugu jirey rag, dumar iyo carruur ayaa dhammaantood Soomaali ah, waxase ku jirey tobaneeyo qof oo muwalladiin ah kuwaasoo muuqaal ahaan Carab u eg.

Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, duqa degmada Bosaso, taliye ku-xigeenka booliska Bari, isimmo iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM.

Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo loo qaybiyey labo qaybood. Ragga si gaar ah ayaa loo soocey dumarka iyo carruurtana hal goob ayaa laysugu geeyey.

Saraakiisha laamaha socdaalka iyo amnigu waxay sheegeen in dadka baaritaan la marin doono markaas kadibna loo oggolaan doono inay dekedda ka baxaan. Dadka qaar eheladooda ayaa ku sugaya bannaanka hore ee dekedda, kuwa aan eheladoodu jooginna waxaa loo diyaariyey gawaari geyn doonta goobo loogu talo galay inay si kumeel gaar ah u degaan.

Guddi Madaxweynaha Puntland u saarey arinta qaxootiga oo ay kamid yihiin wasiirka dekedaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, duqa maaalada Boosaaso iyo Taliye ku-xigeenka booliska Bari ayaa gudaha dekedda saxaafadda kula hadlay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Warsame oo hadalka ku horreeyey ayaa ka warbixiyey qaxootiga maanta yimid iyo guud ahaan tirada dadka soo gaarey Puntland labadii todobaad ee ugu dambeeyey.

Xaashi ayaa sheegay in doonta maanta soo xiratey ay la socdeen 260 qof, horayna ay magaalada Bosaso u yimaadeen 402 qof oo isugu jirey 148 rag ah, 146 carruur ah iyo 108 dumar ah.

Wasiirka Dekedaha oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in si fiican loo soo dhoweyn doono dadka kasoo qaxaya Yemen. Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Puntland feejignaan dheeri ah oo dhanka amniga ah qabto aadna isha ugu hayso dadka ka imanaya Yemen.

Labadii todobaad ee ugu dambeeyey waxaa xeebaha Puntland soo gaarey in ka badan 800 oo qof. Dadkaas badankoodu waxay kasoo degeen magaalada Bosaso, balse qaar kale oo la socdey doomo yaryar ayaa gaarey degmooyinka Gumbax, Bareeda iyo Tooxin oo dhammaantood ka tirsan gobolka Gardafuu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM