Qaybdiid oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Saaxo

Image

December 25, 2014 (GO)- Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa ku baaqay in si deg deg ha loo joojiyo colaadda kasoo cusboonaatay degmada Saaxo ee gobolka Mudug.

Qaybdiid oo xilligan ku sugan magaalada Dhuuso Mareeb wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad walaalo ah oo isku deegaan ahi dagaalamaan isagoo ugu baaqay waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac inay xaaladda sida ugu dhaqsaha badan usoo fara geliyaan xalna laga gaaro khilaafka jira.

"waxan ugu baaqayaa walaalaha dagaalamaya inay colaada joojiyaan dagaal wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho, walaalaha iyo waxgaradka deegaanka ee dagaalku ka dhex dhacay waxaan ka  codsanayaa dagaalka in la joojiyo, wixii dhacay in wada hadal lagu xaliyo ayaan dooneynaa mar rabno dagaal" Qaybdiid oo la hadlay mid kamid ah idaacadaha maxalliga ah ee  Muqdisho ayaa sidaas yiri.

Dagaal gelinkii hore ee shalay ka dhacay degmada Saaxo, kadib markii mileeshiyaad Galmudug kasoo jeedaa soo weerareen goob ceel laga qodayey ayaa waxaa ku geeriyoodey in ka badan toban qof oo rayid u badnaa.

Xaaladda degmada Saaxo iyo deegaanada miyiga ah ee ku xeeran ayaa saaka ah mid deggen inkastoo weli saan saan colaadee halkaas laga dareemayo.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ku saabsan arintan oo kasoo baxay dhanka madaxda ugu sareysa dowlada Puntland. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM