Qaybdiid oo xadgudub ku tilmaamay shirka Muqdisho ka socda

Image

February 5, 2015 [GO]- Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa kasoo horjeestey shirka madaxda dowlada dhexe iyo dowladaha federaalka ugu soconaya magaalada Muqdisho.

Qaybdiid oo waraysi gaar ah siiyey VOA-da ayaa sheegay in shirka Muqdisho ka socdaa yahay mid sharci darro ah maadaama aan laga qayb gelin maamulada gobolada dhexe ee Galmudug kamid tahay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in tixgelintii uu mudnaa la siinin maamulka Galmudug oo kamid ahaa saxiixayaashii heshiiskii Road Map-ka ee lagu soo dhisey dowlada federaalka ee hadda Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo.

"Galmudug waxay ka mid aheyd dhinacyadii aas aasay dowladda federaalka ee saxiixay Road Map-kii kumeel gaarnimada looga baxay, dastuurkana aan wax ka sameynay, waxaa u arkeynaa maanta waxa ka socda Xamar ee aayaha siyaasadeed ee dalka looga hadlayo arrin gef ah" Qaybdiid ayaa yiri.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhanka kale Dowlada Federaalka ku eedeeyey inay caqabad ku tahay qabsoomida shirka maamul u sameynta gobolada dhexe, maadaama sida uu sheegay ay ka caga jiideyso inay ergo usoo dirto shirka.

Shirka Muqdisho ka socda oo maalintii labaad galay waxaa lagu casumey madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Saacado kadib ayaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan qodobada looga hadlay iyo weliba go'aamada kasoo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM